Site icon Daruur درور

Biyaha kacsiga yimaado hadey dharka iga gaaraan maku tukan karaa?

Su’aasha:

Walaal markaan kacsado waxaa iga yimaada biyo jiid jiidmayo oo aan ahayn kan shahwada hadana jilcan marka biyahaas buumada iga gaaraan maku tukan karaa.

Biyaha kacsiga yimaado hadey dharka iga gaaraan maku tukan karaa?
Biyaha kacsiga yimaado hadey dharka iga gaaraan maku tukan karaa?

Jawaabta:

Maya biyaha dhacaanka ah oo ka yimaada ninnka iyo naagtaba oo aan ahayn shahwada waa in layska dhaqaa, waysadana way jabiyaan waa nijaaso.

Qofkii aay kasoo baxaan waa inuu iska dahiraa biyaha noocaas ah, waxaa la dhahaa kuulato, waxayna u yimaadaan inay galmada fududeeyaan sidoo kale inay kaadimareenka daboolaan si ay manida uga nabad hsesho aashitada kaadida.

https://daruur.com//dhacaanka-istiinka-raga-ni/

https://daruur.com//qoyaanka-farjiga-xaaska/

Exit mobile version