Site icon Daruur درور

Anigoo weysaqaad qaba hadey lugaha dhiiqo yar iga gaaraan ma iga burayaa weesada?

Su’aasha:

Wanisalaamay Daruur sxbw anigoo weysa qabo ayaa cagaha dhiiqa iga soo gaaray intaan shakiyey ayaan dib u weyseystay hadii cagaha dhiiqo iga gaarto weesada mabureysaa,

Anigoo weysaqaad qaba hadey lugaha dhiiqo yar iga gaaraan ma iga burayaa weesada?
Anigoo weysaqaad qaba hadey lugaha dhiiqo yar iga gaaraan ma iga burayaa weesada?

Jawaabta:

Weysada sidaas kuma jabto haddii xataa ay najaaso tahay dhiiqada waa layska dhaqaa, weysada waxaa jabiya arrimaha lagu sheegay diinta oo ah tusaale ahaan qofka inuu musqusha galo saxaroodo ama kaadsho sidoo kale inuu xubintiisa taranka taabto ama hurdo ama naag inuu taabto sida mad’habka Shaafici uu yahay ama inuu hilib geel cuno siduu yahay mad’habka Xambali, faahfaahintaas waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.

Exit mobile version