Qolada Takfiirta ee dadka gaaleysiisa shiicada mey xisaabsan yihiin?
Su’aasha:
Culimada Takfiiriyiinta ma waxay raacsanyihiin muslimiinta suniga ah mise kuwa shiicada mida kalena warbixin iga Takfiirtu waxa ay yihiin iyo sida ay u dhaqmaan.

Jawaabta:
Takfiirta marka hore waxay soo baxeen markii ay is dagaaleen saxaabada, gaar ahaan Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiye bin Abii Sufyaan (dhammaan raalli Alle haka noqdee), waxaana la oran jiray qolada takfiirta xilligaas Khawaarij الخوارج, waxay gaalaysiinayeen dadka muslimiinta qofkii dambi weyn sameeyo sida sinada iyo xatooyada iyo dilka iwm.
Kaddib qolo kale ayaa isla manhajkaas qaadatay oo lagu magacaabi jiray Muctasila المعتزلة iyagana qofka muslinka waxay ku gaalaysiin jieen dembiga weyn, ilaa laga soo gaaro casirga cusub, haddana waxaa qaatay manhajkaas dadka lagu magacaabo Wahaabiyada الوهابية oo dowladda sacuudiga ee hore ay samaysay iyagana muslimiinta waxay ku gaalaysinayeen dambiyada qaar.
Takfiirka waxaa sabab u ah aqoonyarida diinta,
Dhaqanka qolada takfiirta waa dhaqan xirxiran waxay u haystaan dadka muslimiinta inay gaalo wada yihiin, kama guursadaan wixii ay qalaanna ma cunaan, waxayna bannaystaan dhiiggooda, qaraxyada in la fuliyo way taageeraan waxayna u arkaan in janno lagu galayo dilka iyo leynta muslimiinta.
Shiicada الشيعة waa qolo kale iyagana waxay soo baxeen xilligii dagaalkii saxaabada, iyagana waxay gaalaysiiyaan dadka sunnada haysta, waxay aaminsan yihiin saxaabada badankooda inay gaalo yihiin, waxay leeyihiin xukunka waxaa iska lahaa Cali bin abii Daalib iyo ubadkiisa ilaa haddana sidaas ayay aaminsan yihiin Shiicada waxayna u qaybsamaan noocyo badan.
Takfir first emerged when the companions, especially Ali bin Abi Talib and Muawiyah bin Abi Sufyan (may Allah be pleased with them all), fought each other, and the group of takfirs at that time was called Khawarij الخوارج, they declared Muslims to be disbelievers if they committed major crimes such as adultery, theft, murder, etc.
Later, another group adopted the same methodology, called Mu’tazilah المعتزلة, and they declared Muslims to be disbelievers for major sins, until the new era, when this methodology was adopted by people called Wahhabis الوهابية, who were created by the former Saudi government, and they declared Muslims to be disbelievers for certain crimes.
Takfir is caused by lack of religious knowledge.
The culture of the Takfir group is a closed culture. They consider all Muslims to be infidels. They do not marry or eat from what they have killed. They shed their blood. They support bombings and believe that killing and killing Muslims will lead to paradise.
The Shiites are another group. They also emerged during the war of the Companions. They also disbelieve those who follow the Sunnah. They believe that most of the Companions are infidels. They say that the rule belonged to Ali bin Abi Talib and his children. Until now, the Shiites believe this and are divided into many types.
