Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah

Su’aasha:

Asc wll waxaa Fin iga soo baxay isha bidix geeskeeda midig marka wll maxaa sababa finkaas waa maxayse dawadiisu

lakin finkaas wuu ixanuunaa wuuna ilmeeya badanaaba marka sujuuda salaadana wuu ixanuuna wll faahfaahin dheraadana nasii waad mahadsantahay.

Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah
Finka isha waa maxay maxaana daawo u ah

Jawaabta:

Finka isha waa barar yar oo maqaarka isha kasoo baxo hoos ama kor ama bidix ama midig

markuu cusub yahay aad buu u xanuunaa wuxuuna ka dhashaa inta badanĀ  “sebaceous glands” qanjiirada dufanta.
Inta badan wuu iska raysanaa daawo la’aan.
Qofka uu ku dhaco waa inuu ka fogaadaa taataabashada isha,

wuxuu kaloo ku dejin karaa xanuunkiisa maro biyo kulul lagu qooyay 4 jeer ayuu maalin kaste saarsarayaa muddo 10 daqiiqo asoona ku dadaalaya marada inay nadiif ahaato.
Waxaa kaloo jira fin kale ka duwan finkan aan soo sheegnay oo loo yaqaano stye ama “hordeolum”

midkaas wuxuu kasoo baxaa maqaarka kore ee isha qofka illin badan ayuu ka keenaa midkaas

waxaa lagu daaweyn karaa dhegayare oo biyo lagu daahiyay oo biyaha dhexgalay

inta biyahas lasoo qaado ayaa isha oo daboolan lagu dhaqaa ama maro lagula saaraa.
Guud ahaan waxaa fiican inaad dhakhtar u tagto si loo ogaado nooca uu yahay nabarka ama finka isha kasoo baxay

 

Finka ama nabarka carabka waxa keeno

 

An eye pimple is a small swelling that appears on the skin of the eye below or above or on the left or right.

When it is new, it is very painful and is caused by most of the “sebaceous glands”.
It usually heals on its own without medication.
The person who suffers from it should avoid touching the eye,

and can also relieve the pain by applying a cloth soaked in hot water 4 times a day for 10 minutes, making sure to keep the cloth clean.
There is also another type of pimple that is different from the pimple we mentioned, known as a stye or “hordeolum”,

which appears on the skin above the eye and causes a lot of tearing.

This type can be treated with a cotton swab soaked in water and soaked in water.

While the water is being removed, the eye is covered and washed or removed with a cloth.
In general, it is best to go to a doctor to find out the type of pimple or pimple that has appeared in the eye.

Leave a Reply