Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

Su’aasha:

Walaal sidaan rajaynayo inaad ogtahay waxaa jira xadiith rasuulka lagasoo wariyay oo uu rasuulku kusheegay “qofkii saf xidhiidhiya allah ha xidhiidhiyo qofkii saf gooyana allah ha gooyo” xidhiidhintaa iyo goyntaas allah uu adoonka xidhiidhinayo ama goynayaa maxay noqon kartaa (fasirka)

F:G. Xadiisku wuxu kusaabsanyahay safafka salaadda

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)
Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

Jawaabta:

Xadiithka waa saxiix dhowr qaab ayuu kusoo arooray waxaa ka mid ah qaabkan:

(مَن وصلَ صفًّا وصلَهُ اللَّهُ ، ومَن قطعَ صفًّا قطعَهُ اللَّهُ عزَّ وجلَّ)

(qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya, qofkii saf gooyana Alle ayaa gooynaya (Cazza wa jalla)

Waxaana laga wadaa safka salaadda, waxaana wariyay xcadiiskan Annasaa’i.

Sidoo kale xadiis isaga macne ahaan u dhow ayaa jira waxaana wariyay Muslim: waana kan:

( الرَّحِمُ مُعَلَّقَةٌ بالعَرْشِ تَقُولُ مَن وصَلَنِي وصَلَهُ اللَّهُ، ومَن قَطَعَنِي قَطَعَهُ اللَّهُ).

(Qaraabada carshiga ayay ku dhegan tahay waxay leedahay qofkii i xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya qofkii i gooyana Alle ayaa gooynaya)

Marka xadiiska wuxuu tusinayaa digniin looga digayo qofka inuu safka salaadda si kas u gooyo, xadiiska kalana wuxuu dadka uga digayaa inay gooyaan qaraabada.

Xiriirinta Alle waxaa laga wadaa naxariistiisa iyo khayrkiisa iyo ajirkiisa uu addoonka siinayo iyo fadligiiisa,  gooyntiisana waa cadaabkiisa iyo ciqaabtiisa, marka labada xadiisba waxay ka digayaan falalka la reebay inuu qofka sameeyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More