Waxan ku riyooday wiil xiriir naga dhexeyn jiray anigoo telka kala hadlayo
Su'aalaha
Su’aasha:
Asc wll allaha ku barakeyo waxan ku riyooday wiil xiriir naga dhexeyn jiray anigoo telka kala hadlayo
Lkn sida cadiga waan kala tagnay mana isla hadalno. Jazakaallh.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa wiilka inaad war ka maqli doonto ama xaalkiisa laguu sheegi doono ama isaga aad arki doonto, guud ahaan riyada waxay tusinaysaa arrin khuseysa wiilkaas.
Riyada taleefanka lagu hadlayo inta badan waxay tilmaamaysaa war inaad heli doonto siiba war adiga aad xiisaynayso, waxaa laga yaabaa wiilka inuu rabo mar labaad inuu xiriir kula yeesho, marka riyada waa riyo ku kooban wiilka xaalkiisa oo adiga kusoo gaari doona.