Shamima Begum oo Aabbeheeda cafis u dalbay
Aabbaha dhalay Shamima Begum oo ka dalbaday xukuumadda ingiriiska inay cafiso gabadhiisa Shamima Begum oo 4 sano kahor ku biirtay kooxda ISIS Daacish waxay aadday dalka Suuriya.
Shamima Begum oo baasaboorka UK laga qaaday marka ay ku biirtay kooxda daacish.
Waxay suuriya ku guursatay nin kasoo jeeda dalka Holland oo ka mid ahaa dadka ka dagaallama dalka Suuriya ee raacsan kooxda (ISIS) Daacish.
Shamima oo ka cudurdaaratay falka ay ku kacday waxyna sheegtay in la qalday.
laakin wasiirka arrimaha gudaha oo kasoo jeeda dalka Pakistan ayaa qaatay go’aanka ah in dhalashada lagala noqdo.
Aabbaha oo sheegay gabadhiisa marka ay aadaysay dagaalka Suuriya inay jirtay 15 sano sharciga ingiriiskana qofka jiro 15 sano waa caruur marka wuxuu yiri gabadhayda in lagala noqdo baasaboorka waa xaqdarro.
Shamima Begum waxay kasoo jeeddaa dalka Bangladesh asal ahaan lakin waxay ku dhalatay dalka Ingriiska.
Gabdho badan ayaa ka tagay yurub oo ku biiray Daacish. xitaa qaar waxaa ku jiro Soomaali ah.