Site icon Daruur درور

Sababaha dumarka soomaaliyeed shisheeye ay u guursadaan

Su’aasha:

Gabdho badan aya jira oo ku nool qurbaha waxay dhahan nin shisheeye ayaa ka fican ninka somaliga waxay shegan arimo oo muuqato sida ninka soomaliga uma kaalmaeeyo xaaskisa wuxuu iska aadaa fadhi ku diri makhayadaha ayuu iska fadhiya iyada ayaa ilmaha daryesha iskuulka kasoo wada, hawenka somaliyed oo gursaday raga janabiga ah waxad arkaysaa inay garab tagan yihin cawinayan oo la socdan oo shaqada guri la qabtan, marka bahda Daruur side u aragtan guurka dadka shisheeyaha.

Sababaha dumarka soomaaliyeed shisheeye ay u guursadaan
Sababaha dumarka soomaaliyeed shisheeye ay u guursadaan

Jawaabta:

Guurka ma aha wax fudud wuxuu ku dhisan yahay arrimo badan oo loo baahan yahay in la ogaado.

Guurka waa naxariis iyo jacayl iyo iskaashi, ninka iyo xaaskiisa waa labo qof oo dhufeys iskula jira si ay ubadkooda u difaaci lahaayeen marka waxaa ah wax laga xumaado rag badan soomaaliyeed oo ku nool qurbaha oo sida aad sheegtay noqday, taas waxay keentay haween badan inay u cararaan raga ajaanibta.

Marka aan ka hadalno diin ahaan naagta way guursan kartaa qof kaste muslin ah oo xalaal u ah inay guursato kuma xirna ajnabi iyo soomaali, laakin naagta iyo ninka waxaa aad u fiican inay isku jinsiyad yihiin, taas waxay keenaysaa isfahan badan xagga luqadda dhaqanka caadaadka, jacaylkana waxaa la dhahaa wuxuu ku dhisan yahay iswaafuqsanaanta labada dabeecad iyo labada dhaqan.

Sidoo kale way jiraan dumar soomaaliyeed oo kala kulmay rag ajaanib ah dhibaato iyo gumaad, marka waxaan dhihi lahaa gabadha soomaaliyeed way guursan kartaa nin kaste oo diin leh, laakin waxaa kasii fiican nin soomaali oo diin leh oo dhaqan wanaagsan leh oo xaaskiisa garab istaagaya oo caawinaya oo jacayl la jilaya wayna heli kartaa dhalinyar badan ayaa jira oo wanaagsan oo ku baahsa daafaha dunida.

Exit mobile version