Riyada kulanka aabbaha oo muddo aadan arkin
Su’aasha:
Asc wllo waxan xalay ku riiyooday anoo tagay degmo igu dambeysay 10 sano ka hore kulana kulmay Abahay aan mudo is arkin. Maxay noqon karta.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamysaa farxad iyo guul kuu soo socoto, riyada kulanka aabbaha lala kulmayo guud ahaan waxay wadataa farxad weyn uu qofka heli doono, waliba waxay tilmaamaysaa mustaqbal fiican, waa riyo bishaaro ah.