Site icon Daruur درور

Guruubyada WhatsApp ee galmada lagu faafiyo xukunkooda muxuu yahay

Su’aasha:

Waxaa jirta dhalinyaro Soomaaliyeed oo guruubyo u sameystay siday iskula wadaagi lahaayeen muuqaalada ay ugu yeeraan kala kicis oo ah muuqaalo qaawan oo galmo ka sameysan kuwaas oo kale qofka haduu ku darsado maxay la macno tahay mahadsanid.

Guruubyada WhatsApp ee galmada lagu faafiyo xukunkooda muxuu yahay
Guruubyada WhatsApp ee galmada lagu faafiyo xukunkooda muxuu yahay

Jawaabta:

Shaki kama taagna inay xaaraan tahay qofka inuu ku darsado guruubyada aad sheegtay oo lagu faafiyo xumaanta qaab kaste ha ahaatee soomaali ama janabiba.

Qofkii ku biiro waxay la mid tahay qof ku biiray meel lagu tunto, marka qofka waa inuu iska ilaaliyaa inuu galo baddaas, sidoo kale muuqaallada laga faafiyo ood sheegtay video soomaali ama ajnabi ha haado waa xaaraan in la faafiyo iyo in la daawado taas way iska caddahay diinta waxay ka qabto qof bannaynaya ma jiro.

Waliba dhalinyarada arrintaas dhib ayay u keenaysaa xagga maskaxda iyo caqliga qofkii waxaas u barto wuxuu seegayaa caafimaadkiisa iyo qalbigiisa iyo diintiisaba, wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha siigada qofka ku abuura oo ka dhiga qof maanta oo dhan kacsi ku waalan xataa laga yaabo inuu sino ku dhaco.

Marka waxaa laga rabaa in lala dagaallamo guruubyada xunxun oo noocaas oo kale ah.

Diinta islaamka aad bay uga digtay faafinta faaxishada Alle wuxuu yiri:

(إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ فِي الَّذِينَ آمَنُوا لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَاللَّـهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ)

(Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu Kuwa Rumeeyay (Xaqa) waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo iyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna ma Ogidin) rd.

Marka qofka arrinkaas ku dhacay waa inuu ka baxaa kana towbad keenaa dambiga uu galay.

Exit mobile version