Site icon Daruur درور

Dheg xanuun maxaa daawo u ah

Su’aasha:

Waxan isku arkau malmahan dheg xanuun, marka ay xanuunka bilowdo dhegta dhub ayay guux wa u eg ayaa ka yeeraya daawo maxaa u ah.

Dheg xanuun maxaa daawo u ah
Dheg xanuun maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Cudurka dheg xanuunka waa wax dadka ku badan mararka qaar qof hal dheg ayaa ka xanuunta marka kalena labada dhegood, xanuun fudud iyo xanuun daran ayuu u kala baxaa, sabaha keena waxaa ka mid ah caabuq ama efekshan, ama inuu dhugayga ku ururay ama qofka diyaarad muddo saarnaado ama caabuqa dhuunta ama inuu wax dool ah kaa galo ama biyo iyo saabuun badan inay kaa galaan intaas iyo in kale ayaa sabab u ah, waxaa daawo u ah xagga xanuunka wixii xanuun joojis ah laakin waxaa habboon intaan daawooyin la adeegsan in layska baaro cudurka haya dhegta, dheg marka ay xanuunto dadka soomaaliyeed isla markii saliid ayay ku shubaan sidaas xal ma aha, waa in la ogaadaa dheg xanuunka waxa keenay, sababka marka la ogaado ayaa daawo loo qori karaa. qaladaadka dadka badankooda ay galaan waxaa ka mid ah jirro aan la hubin in daawo loo qaato, waxaa laga yaabaa inay jirro kale ka dhalato.

Exit mobile version