Site icon Daruur درور

Yahuuda Hada joogta ma waxay kasoo faracmeen Reer binu Israiil

Su’aasha:

Asc waxaan aqrisaday buug ka hadlaya Yahuuda oo uu qoray Nin iran u dhashay Wuxuu sheegayaa in yahuuda Hada ku Sugan bariga dhexe ee Israel la baxday aysan aheyn Yahuuda asalka aheyd ee kasoo faracantay Nebi Ibraahim Lana dhashay carabta

yahuuda Hada joogta Yahuudii reer binu Israiil ee Nebi Ibraahim kasoo faracantay miyaa ? Mise waa yahuuda kale oo kasoo hayaamay qeybo dunida kamid ah
Muxuusa yahay Faraqa u dhaxeeya ?Yahuud ! Iyo Sahnuuniyiin!

Dowlada iraan ayaa kusoo cel celisa Xukumada Sahnuuniyada Marka ay ka hadleyso dowlada Israiil
Iyadoo u duur xuleysa in yahuudan aysan aheyn Yahuudii reer binu Israiil ee carabta la dhalatay ee ay yihiin Sahnuuniyiin dunida ku filiqsanaa Si Siyaasad ahaan ayey u kala dileysaa Carabta iyo yahuuda iyadoo mesha ka saaraysa wada dhalasho yahuuda iyo carab dhex Marta maadaama Ay jiraan Dowlado Carbeed oo haysta Mad-habta Shiicada ee iraniyiintu haystaan Marka waxaan ka shakiyey buugaas Beeninaya in yahuudan ay tahay yahuud false ah oo reer yurub ah maadaama Iran ay Wado Mashruuc Siyaasadeed oo lagu Beeninayo ASAL NIMADA yahuuda maanta joogta iyadoo dano Siyaasadeed kaleh buugaasna waxaan u qaatay inuu yahay weerar Ideology ah oo iraan ku wado yahuuda.

Yahuuda Hada joogta ma waxay kasoo faracmeen Reer binu Israiil
Yahuuda Hada joogta ma waxay kasoo faracmeen Reer binu Israiil

Jawaabta:

Reer Binii Israa’iil iyo Yahuud iyo Sahyuuniya faahfaahin dheer ayay u baahan yihiin, laakin marka aan kuusoo duudoobo, Banii israa’iil waa faraca nabi Yacquub (CS) isagaa la dhihi jiray Israa’iil quraanka ayuu kusoo arooray magacaas asoo loo tiirinayao nabi Yacquub Alle wuxuu yiri:

(كُلُّ الطَّعَامِ كَانَ حِلًّا لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسْرَائِيلُ عَلَىٰ نَفْسِهِ مِن قَبْلِ أَن تُنَزَّلَ التَّوْرَاةُ ۗ قُلْ فَأْتُوا بِالتَّوْرَاةِ فَاتْلُوهَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ)

(Cuntada dhamaanteed xalaal bay u ahayd Banii-israa’iil wuxuu ka reebay Israa’iil Naftiisa mooyee, soo degidii Tawreed ka hor , dheh keena Tawreed oo Akhriya haddaad runlow tihiin).

 

Markii Nabi Muuse lasoo saaray oo lagu soo dejiyay kitaabka Towraad ayaa lagu magacaabey dadkii qaatay Yahuud quraankana wuu tilmaamay arrintaas Alle wuxuu yiri:

(إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالنَّصَارَىٰ وَالصَّابِئِينَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ)

(kuwii rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo saab’iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambe oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodan).

 

Magaca Yuhuud waxaa loola jeedaa dadka diinta Nabi Muuse aaminay waxaa soo galaya qowmiyaad kale kaliya kuma koobna reer Banii Israa’iil, waxaa loo soo diray anbiyo aad u badan ilaa lagasoo gaaro nabi Muxammad (SCW) oo ah midka caalamka oo dhan loo soo diray.

Marka lasoo gaaray qarniga 19-aad miilaadiga Yahuudda waxay samaysteen Urur lagu magacaabo Sahyuuniya, ururkaas wuxuu rabaa inuu fuliyo wax ay yahuudda aaminsan yihiin oo ah inay qabsadaan dhulka baraklaysan oo masjid Alqsaa ku yaallo oo ay dhisaan macbadkii Nabi Sulaymaan (CS) oo la burburiyay waa hore, markaas ay soo guuriyaan Yahuuddii ku noolayd dunida oo aaminsanayd diinta Yahuudda, marka kuwa ku noool dhulka Falastiin waxay isugu jiraan dad reer Banii Israa’iil ah iyo Dad aan ahayn laakin diinta Yahuudda haysta waxayna aaminsan yihiin adduunka oo dhan inay xukumayaan markuu imaado masiix oo ay ula jeedaan boqorka Yahuudda kaasna waa dajaal.

Waxaad ogaataa waagii hore inay Yahuudda ku kala yaaceen dunida oo dhan Ruushka Yahuud badan ayaa ku noolayd sidoo kale Yurub, qaar halkan ayay usoo guureen qaarna wali meesha ayay ku nool yihiin, waxaa jira madaxda dunida caddaanka badankooda waa Yahuud.

Ninka ku sawiran boqolka doolar Benjamin Franklin waa Yahuud waa qofka aasaasay Maraykanka 1776-kii, madax badan ayaa soo martay dalka Maraykanka oo Yahuud ah.

Waxaa jira Yahuud badan oo diiddan fikradda Sahyuuniyada oo leh Ilaahay nooma fasixin inaan dowlad dhisno ilaa uu ka yimaado Masiix.

Marka la gaaro aakhir samaanka wuxuu sheegay nabiga (SCW) inay muslimiinta la dagaallami doonaan Yahuudda oo nabi Ciise soo degi doono, faahfaahin dheer ayuu wataa hadalkan halkan laguma soo koobi karo kutub fara badan ayaa laga qoray.

Waxaa fiican inaad adiga akhrisato sheekada aad ayay u dheertay wax badan ayaa jira oo dadka ka qarsoon.

Waxaa kaloo muhim ah in la ogaado Yahuudda badankooda waa Reer Banii Israa’iil, marka la dhaho qofkaas waa Yahuuddi waxaa loola jeedaa waa reer Banuu Israa’iil, laakin way dhici kartaa qaar Yahuudda ka mid ah inaysan ahayn reer banuu israa’iil laakin ay diintaas ab ka ab u haytseen.

Marka aan usoo laabto ninka Iraanka ah oo qoray Buugga aad sheegtay, waxaa jira taariikh ka dhexeysa Yahuudda iyo Dowladda Furus waagii hore, waxaa dumiyay macbadka nabi Sulaymaan nin la oran jiray Bukhtanasar oo ahaa boqor u dhashay  Furus oo hadda Iraan ah, magaca faaris ama furus waa magac la dhihi jiry dadka dega dhulkan hadda iraan ay degan tahay,  marka waligooda way isku dheganaayeen dagaallo badan ayaa dhex maray dhalashada Nabi Ciise (CS) kahor.

Waxaa fiican inaad u laabato kutubta taariikhda oo arrintaas aad u faahfaahisay.

Exit mobile version