Site icon Daruur درور

Xaaskayaga way i aflagaadeysaa ma furi karaa

Xaaskayaga way i aflagaadeysaa ma furi karaa

Su’aasha:

scw bahda daruur dhib baa i haysta xaaskayga aad bay ii aflagaadaysaa way i caysaa hadalo aanan ka helin oo niyada iga dilo ayay mar kaste igu tiraahdaa si kaste waan u waaniyay inay ka harto laakin wax ay qaadanayso waano lama arko maxaad igula talinaysaan faldan jawaab wacan.

Xaaskayaga way i aflagaadeysaa ma furi karaa
Xaaskayaga way i aflagaadeysaa ma furi karaa

Jawaabta:

Walaal waxaan shaki ka taagnayn caayda iyo aflagaadada inay ka mid yihiin dhaqanka foosha xun siiba marka dumarka ay dhaqankaas qaataan, waliba naagta marka ay ninkeeda qalbiga ka jabinayso dambi badan ayay kala kulmayasaa arrintaas, diinta islaamka waxay sheegtay naagta ninkeeda haddii ay gogosha u diiddo iaydoon cudurdaar haysan inay lacnad ku dhacdo maxaad u malaynaysaa haddii ay aflagaadeynayso.

Marka haddii ay dhanicayo badan ku fiican tahay oo ceebteeda ay tahay caydaas kaliya isku day inaad hagaajiso oo aad waaniso waxaa laga yaabaa inay maalin uun toosto, wuxuu yiri nabiga (SCW):

(لا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إنْ كَرِهَ منها خُلُقًا رَضِيَ منها آخَرَ)،  المصدر

(Nin mu’min yuuna ka caroonin haweeney mu’minad ah haddii uu dabci ku naco mid kale ayuu kaga raalli noqonayaa),

Laakin haddii ay tahay qof dhinacyo badan ka xun waxaa fiican inaadan naftaada cadaabin waxaad heli kartaa mid ka fiican, xaaladahaas oo kale furiinka ayaa xal ah, siiba haddii aaysan rajo lahayn.

 

Fin qooq maxaa keeno sideena loo daaweeyaa Acne on the face

Exit mobile version