Site icon Daruur درور

Wiil aad uga shallaynayo siigada dhibkay u geysatay

Su’aasha:

Hada Waxaan Ahay Qof Aad Uga Walwala Barigaan Siigada Samayn Jiray Markasta Niyada Waxaan Iska Yidhaahdaa Maxaa Waxa Kugu Watay ood Usamayn Jirtay Markaan Arko Qayrkay oo Guursaday Qaarna Ciyaal Loo Dhalay Aniguna Hada Niyadjab Iyo Walwal Ayaan Kunoolahay Siigada Mudo Laga Joogo Sadex Sano Ka Hor Ayaan Iska Daayay Walina Wax Natiijo Ah oo Lataaban Karo Ma Hayo Mida iigu Sii Daran Ayaa Ah Nafaqo La.aan Waayo Qoyskayagu Waa Iska Danyar Ah Mana Awoodaan inay Inafaqeeyaan Hada Dadka Waan Ka-takooranahay oo Waxaan Noqday Qof Hagaas Ah Dadkii Iga Yaryaraa Ayaa iga Awood Batay Igana Waa-waynaaday markasta Dadka igaranayay intaan Siigada bilaabin Sidaan Ahaa Waxay iga Yidhaahdiin Miyaad Xanuunsanaysaa Barigii Hore Waadigii Fiicnaa Hada Maxaa Kuhelay Mana Jirto Cid Og inaan Siigada Samayn Jiray Aniga iyo Ilaahay Mooyee Talo Maxaad igu Dari Lahayd Dr Thank-you

Wiil aad uga shallaynayo siigada dhibkay u geysatay
Wiil aad uga shallaynayo siigada dhibkay u geysatay

Jawaabta:

Talada ayaan kuusoo koobayaa waxaas oo dhan ka bax waa wax tagay nolol cusub bilow, waxaa ugu muhiimsan waxa aad ka bilaabayso go’aanka kama damayska joojinta siigada, markaad joojiso wax walba way kuu hagaagayaan, cuntada caadiga aad cunayso lafteeda nafaqo ayay leedahay, waxaa jira cuntooyin qiima jaban oo nafaqo leh sida cagaarka oo kale qudaarta oo kale waxaa kaloo aad ku dadaashaa inaad Alle ku xiranto oo aad baryiso maxaayeelay isagaa hodan dadka ka dhiga.

Adduunka wuu is baddalaa xaalka sidiisa ma ahaanayo, maanta haddaad tahay qof danyar ah berri waxaad noqon kartaa qof hantiile ah, qorraxda way soo baxdaa wayna dhacdaa, taas waxaan ka fahmaynaa isbadal inuu imaanayo mar walbo sabar ayaa loo baahan yahay iyo dadaal.

Exit mobile version