Site icon Daruur درور

Waxtarka caafimaad laga helo wadnaha idaha

Su’aasha:

scw waan idin salamay bahda daruur waxan rabaa inaan ogaado waxtarka laga helo wadnaha idaha, somalida waxay dhahaan idaha waa daawo, marka wadnaha idaha ma daawo baa oo qofka haduu cuno muxuu ka helaa oo waxtar ah xaga caafimaadka.

Waxtarka caafimaad laga helo wadnaha idaha
Waxtarka caafimaad laga helo wadnaha idaha

Jawaabta:

Wadnaha idaha waxaa lagu tiriyaa cuntoooyinka ugu qiimaha badan dunida wuxuu leeyahay burutiin badan oo jirka wax weyn u qabanaya.
Wadnaha idaha wuxuu kaalin weyn ka qaataa dhismaha jirka wuxuu kaloo koriyaa murqaha jirka.
Laakin waxaad ogaataa inuu keeno dhib marka layska badiyo, marka hore dheefshiidka aad buu ugu dahaa dhaqsi kuma shiidmo, sidoo kale wuxuu wataa dufin oo dhib keeni karta marka ay jirka ku badato, siiba dadka da’da ah.
Wuxuu kaloo wataa Uric acid oo hadduu jirka ku bato wuxuu keenayaa cudurka loo yaqaano Gout  carabiga waxaa la dhahaa  نقرس waa cudur ku dhaca kalabaxa suulka lugta ilaa kalabaxyada jirka soo gaara oo xanuun daran leh.
Dadka soomaaliyeed inta badan ma cunaan wadnaha xoolaha waxay aaminsan yihiin inaan la cunin laakin dunida waa laga cunaa.

Exit mobile version