Site icon Daruur درور

Waswaaska soonka ma buriyaa

Su’aasha:

Wll Hadi adigo sooman adna tahay ruux waswas badan markasto àad wayso qadaneyso ama àad qabeysanayso àad isku maleyso inad wax kugu tagayan ama liqeyso marar badan ama soonka barkiba kugu dacdo soonka maqaleyneysa.

Waswaaska soonka ma buriyaa
Waswaaska soonka ma buriyaa

Jawaabta:

Waswaas iyo shaki soon ma buriyaan soonka yaqiin iyo hubaal buu ku burayaa.

Haddii aad u malayso inuu soonkaaga buray waswaas dartii soonkaaga ma burin.

Marka qaacido ayaa jirta oranaysa:

(اليقين لا يزول بالشك)

(yaqiinta shakiga kuma suusho)

waa qaacido fiqhi ah oo lagu dhisay axkaam badan fiqiga ku jira, marka hubaal ayaa loo baahan yahay oo soonka kaa burinaya ee waswaas iyo shaki waxba ma samayn karaan. qaacidadan xadiis ayay ku tiirsan tahay wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(يأتي أحدَكمُ الشَّيطانُ في الصَّلاةِ, فينفخُ في مقعدتِه ، فيُخيَّلُ إليهِ أنَّهُ أحدَثَ , ولَم يُحدِثْ , فإذا وجدَ ذلِك فلا ينصرِفْ حتَّى يسمعَ صوتًا أو يجدَ ريحًا)

(Shaydaan ayaa midkiina salaadda ugu imaanayo, wuxuu ka afuufaa baridiisa, wuxuu u malaynayaa inuu dhuusay mana dhuusin, haddii uu arko midkiina arrintaas yuuna ka bixin salaadda ilaa uu ka maqlo dhawaaq ama uu ka la kulmo ur) 

Xadiiska Dabaraani iyo kuwo kale ayaa wariyay

Exit mobile version