Site icon Daruur درور

Waswaaska sida qalbiga looga saaro

Waswaaska sida qalbiga looga saaro

Su’aasha:

Sedexdi sano ii udambeysay waswas aya I rakateyay Salada iyo daharada iyo Soonka .
Salaada iyo dhaharada wan ka guuleystay alxamdullilah.lakin SOONKA ayan kaga guuleysan wayay niyada ayana igudaran malin kasta marki suuxurta lagaro wan suuranayay lakin markas ayay hoowshu bilabaneysay .
Sida adiga mad niyaysan
Hasoomin iskadaf
Waxba kuma xirmayan iyo in kale obadan
Soonki hada marki udamaday waxaan go’aansaday inaan soomanki odhan soqaleyo sii an waswaska ugaboxo Khamiista iyo Isniinta aan ayar ayar usoomo inta ay doontaba ha iguqadate lakin dibki ila iyo hada wu iheysta Khamiisti lasoo dhaafay ayan go’aansaday inaan soomo waqti fiican ayan sookacay biyo iyo timir ayan cunay wan cadayday lakin islamarka ayay balayadi igu bilaabatay anigo dhan murugo iyo walwal aya iso food saray sida darted marki la adimay Salada ayan aday marki aan solabtay biyo ayan cabay wana quracday talo isiiyo.

Waswaaska sida qalbiga looga saaro
Waswaaska sida qalbiga looga saaro

Jawaabta:

Dhibka ku haysta waa shakiga iyo waswaaska shaydaanka diintaada ayuu rabaa inuu ku cayaaro, qofka hadduu sii raaraaco waswaaska waa u dhamaatay wax u toosaya ma jiro nolosha aduunka iyo cibaadaadkaba.

Adiga yaa ku kugu yiri soo celi soonka aad soontay?!, niyadda soonka uma baahna inaad afka ka sheegto teeda kale marka aad saxuur usoo tooosto way iska caddahay inaad soon usoo kacday marka soonkaaga shakigaas iyo waswaaskaas ma jabin karo.

Alle ka baq oo iska naar shaydaanka oo Quraanka akhriso adkaarta laasim waswaaska diintaada ayuu burburinayaa.

Qalbiga waxaad kaga saari kartaa waswaaska shaydaanka inaad Ilaahay magangasho oo aad si fiican u akhrisato Quraanka kariimka, sidoo kale adkaarta oo Alle aad baryiso niyad adagna inaad la timaado haddii uu niyadda kaasoo galiyo inaad furtay soonka ama aadan niyaysanin inaad qalbigaaga soo galiso waswaas shaydaan inay waxyaabahaas ka yimaadeen.

Marku iguso dhacayo waswaska cabsi ayan dareema

The problem you have is the suspicion and the whisper of the devil who wants to play with your religion, if a person continues to whisper the whisper is over there is nothing to wake up for in this worldly life and worship.

Who told you to restore the fast you fasted?!, the intention of fasting does not need you to say it with your mouth when you repent to them. It is clear that you have fasted when your fasting cannot break that doubt and whisper.

Fear Allah and fire to The devil and recite the Qur’an.

You can remove from the heart the whispering of the devil by taking refuge in Allah and reading the Qur’an carefully, as well as being steadfast and praying to Allah with a strong intention to come if he is in the mood that you have opened the fast or do not wish to bring into your heart the whisper of the devil that these things came from that.

Astaamaha xaasidka halkan ka daawo

Exit mobile version