Site icon Daruur درور

Sideen ku uureen karaa xaaskayga

Su’aasha:

A S C, Marka hore wan idin salaamay kadib maanta su’aashan qabo waxa weeyan, anigu intan guursaday wa mudo 9 sano marka sanadki u horeyisay e gabadha xaaskayiga guursaday wiil bay idhashay marka 5 sano kadib aye uur qaaday lkn uurko 2ba bilood gaadhin ayu ka daatay xiligaas kadibna ila hada wax uur ah may qaadin marka dhakh’tar iyo meel walba wan geeyay wax xal ah kamaanan helin, marka hada wxn iska shikiyay dhibtu inay xagayiga ay tahay madaman jaadka iyo sigaarka aad u bad’sadaa lkn xaaskayga intan guursan kahor ayan jaadka iyo sigaarka isticmaalayay marka intan danbe dhibaatadan isku arkay waxay tahay biyaha shahwadayida o aad u yaraaday iyo khaafif’na ayu noqday marka caala iyo kuli xaal waxan raba xaaskayigu inay uur ay qaado maxad igula talinayisan mahad sanid.

Sideen ku uureen karaa xaaskayga
Sideen ku uureen karaa xaaskayga

Jawaabta:

Sida ka muuqata qisadaada uurka marka hore way qaadday wayna dhashay muddo kadib waa kasoo dhacayay, adiga ayaa iska shakiyay inaad tahay sababta uur la’aanta u keentay xaaska.

Marka hore caadi ahaan sida muuqata labadiinaba waad dhali kartaan maadaama aad dhasheen mar hore oo aysan jirin da’ ka reebayso xaaskaaga inay uur qaaddo.

Marka waxaa dhici karta in galmada aysan kuu toosnayn, isku day inaad biyaha gaaxiso oo aadan muddo u tagin oo aad sugto, qaabka ugu fiican oo xaaska ay uur ku qaadi karto ee galmada waa qaabka jiifka oo adiga aad ku kor seexanayso, oo ay luagaha kor u qaadayso, marka biyaha aad ku shubto inay muddo sidaas ahaato, sidoo kale inaad cunto kalluun iyo basal iyo toon markaas aad u tagto dhowr jeer arrinkaas tijaabi way dhici kartaa in biyaha ay sabab u yihiin.

Teeda kale biyahaaga ayaad baari kartaa in dhibaatada iyaga ay keeneen iyo in kale.

Waxaa kaloo laga yaabaa in lagaa sixray dhalmada adiga ama iyada taasna waa suurtagal iyadana waxaad ku daaweyn kartaa quraanka kariimka.

 

Maxaa sababa ruuxa dumarka ah inay qaaddo uur mintaano ah

Waxa igu dhacay shahwadayda yaraatay ama low sperm count

 

بلغ عبد الله بن سلام مقدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة فأتاه، فقال: إني سائلك عن ثلاث لا يعلمهن إلا نبي؛ قال: ما أول أشراط الساعة؟ وما أول طعام يأكله أهل الجنة؟ ومن أي شيء ينزع الولد إلى أبيه؟ ومن أي شيء ينزع إلى أخواله؟ فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: خبرني بهن آنفا جبريل، قال: فقال عبد الله: ذاك عدو اليهود من الملائكة، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: أما أول أشراط الساعة فنار تحشر الناس من المشرق إلى المغرب، وأما أول طعام يأكله أهل الجنة فزيادة كبد حوت، وأما الشبه في الولد: فإن الرجل إذا غشي المرأة فسبقها ماؤه كان الشبه له، وإذا سبق ماؤها كان الشبه لها. قال: أشهد أنك رسول الله، ثم قال: يا رسول الله، إن اليهود قوم بهت، إن علموا بإسلامي قبل أن تسألهم بهتوني عندك، فجاءت اليهود، ودخل عبد الله البيت، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: أي رجل فيكم عبد الله بن سلام؟ قالوا: أعلمنا وابن أعلمنا، وأخيرنا وابن أخيرنا، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: أفرأيتم إن أسلم عبد الله؟ قالوا: أعاذه الله من ذلك، فخرج عبد الله إليهم، فقال: أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمدا رسول الله، فقالوا: شرنا وابن شرنا، ووقعوا فيه.
المصدر : صحيح البخاري

Exit mobile version