Site icon Daruur درور

Sababaha cuncunka qooraha iyo daawada u roon

Sababaha cuncunka qooraha iyo daawada u roon

Su’aasha:

Walaal, waxaan wataa su’aal caafimaad, badanaa cun cunka ku yimaada xiniinyaha Ragga, maxaa keena maxaase layskaga daweeyaa, waxaan badanaa isku arkaa xilliyada kuleylaha, cun cun xagga qooraha markaan isku dayo inaan xoqitaan u isticmaalo gadaal waxaan ka dareemaa xanuun xagga maqaarka ah, marka su’aashaasi ha la iiga soo jawaabo qubarada caafimaadka ee Daruurna waan salaamayaa.

Sababaha cuncunka qooraha iyo daawada u roon
Sababaha cuncunka qooraha iyo daawada u roon

Jawaabta:

Inta badan cudurka ka dhasha isrugidda jirka siiba dadka cayilan oo la dhaho carabiga: الاحتكاك ingiriiskana: (Chafing) ayaa keena arrimahan.
Caadi ahaan xaniinyahay waa meel kulul oo dhidid leh inta badan, marka nadaafadda aan lagu dadaalin ama qofka uu xirto kastuumo muddo badan waxaa laga yaabaa inay keento cuncun ama nabro iyo fin ama kasoobax, taasna raga badan ayaa ka sheegta.
Waxaa lagu daaweyn karaa sida soo socota:
qofka inuu ku dadaalo inay meesha nadiif ahaato sidoo kale inay qallanaato, taas waxay ku suurtagalaysaa qofka inuu xirto dhar waasac ah oo aan dhab ahayn, dharka ciriiriga ah meesha ayuu kululeeyaa, siiba qofka marka uu socodo ama shaqo ku jiro oo laga yaabo inuu dhidido.
sidoo kale qofka inuu ka fogaado wax kaste xasaasiyad leh oo maqaarka hurin kara, waxaa habboon qofka inuu mariyo waxyaalaha ka reebaya jirka dhididka.
caadi ahaan cuncunka qooraha ma aha cudur halis ah laakin dhib ayuu keenayaa markuu siyaado.

Daawada cuncunka xiniinyaha
Daawada cuncunka xiniinyaha

Sidoo kale waa inaad ka fogaataa walwalka badan waayo wuxuu ka mid yahay waxyaalaha keena cuncunka melahaas.
Waxaa la marin karaa bomaato oo meesha ka qaadi karta cuncunka oo la yiraahdo: Daktarin Cream.
Marka sababo badan ayaa keenaya oo intaas aah ahayn marka nadaafadda ayaa ugu muhimsan waxa lagu daaweyn karo.

Waxtarka liima  dhanaanta

Toxobta madow ee xiniyaha maxaa lagu daaweeyaa

 

Most of the diseases caused by physical illness in the body remove fat people called Arabic: الاحتكاك and English: (Chafing) causes these issues.
It is usually a hot and sweaty area, and when hygiene is not taken care of or the person wears it for a long time it may cause itching or bruising and rash or rash or rash, which many men say.
It can be treated as follows:
The person to strive to keep the place clean as well as to dry, which makes it possible for the person to wear a wide and non-real clothes, warm the tight clothes in the place, remove the person when they are walking or at work and may sweat.
Also to avoid anything that is allergic to the skin that can ignite, it is advisable for the person to apply the things that keep the body from sweating.
Itching in the neck is not normally a serious disease but it causes problems as it increases.
You should also avoid too much anxiety because it is one of the causes of itching in these areas.
It can be applied to a pumpkin that can remove the itch called: Daktarin Cream.
When there are many causes and that is not the case when hygiene is the most important thing that can be treated.

 

Exit mobile version