Site icon Daruur درور

Saaxiibka xaasidka ah sida lagu garto

Saaxiibka xaasidka ah sida lagu garto

Su’aasha:

Nin saaxiibkayga ahaa ayaa wuxuu igu sameeyay khiyaano aanan ka filanaynin, waxaan ahayn ninkaas qof aan meel ka wada shaqeyno oo xiriir wanaagsan naga dhwexeeyay, ninka wuxuu lasoo baxay dabci yaab badan markaan helay shaqo fiican oo lacag badan leh marka qofkii wuxuu bilaabay inuu been iga sheego oo daran wuxuuna bilaabay inuu meel kaste ka sheego xumaan iyo cay oo aniga uu iga wado marka maxaad igula talin lahaydeen ninkaas ciil ayaa i hayo.

Saaxiibka xaasidka ah sida lagu garto
Saaxiibka xaasidka ah sida lagu garto

Jawaabta:

inta badan ninka sidaas marka uu isu rogo wuxuu ahaa qof aan daacad ahayn, laakin wuu qarin jiray, waxaa lagaa rabay inaad ka eegto astaamo oo laga yaabo inay kuu muujiyaan ninkaas inuu xaasid ahaa, taasna si sahlan ayaa lagu ogaan karaa astmaaha lagu garto raga xun ama dumarka xun guud ahaan, waxaad ku garan kartay marka aad wax hesho oo aad u sheegto wajigiisa farxad kama muuqanayso, wuxuu isku dayaa inuu muusoodo laakin ciil ayaad ak dareemaysaa foolkiisa, sidoo kale wuxuu isku dayaa inuu ceebtaada kuusoo muujiyo wuxuuna usoo muujiyaa qaab kaftan ah, marka waxaa kugu habboon inaad iska ilaaliso oo aad u sabarto haddii ay jiraan dad uu war ka maqlayo inaad u sheegto haddaad ka fogaan karto meelaha uu ka dhow yahay inaad ka fogaato.

Diinta islaamka dadka waxay reebtay inay is xasdaan, wuxuu leeyahay nabigeena (SCW):

(لَا تَحَاسَدُوا ، وَلَا تَنَاجَشُوا ، وَلَا تَبَاغَضُوا ، وَلَا تَدَابَرُوا ، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ ، وَكُونُوا عِبَادَ اللهِ إِخْوَانًا ، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ ، لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ ، وَلَا يَحْقِرُهُ ، التَّقْوَى هَاهُنَا) ، وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ ، (بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنَ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ؛ دَمُهُ ، وَمَالُهُ ، وَعِرْضُهُ)

(Ha is xasdina ha is falisina ha nicina ha is dabajeedinina qaarkiina qaarka kale yaysan ku dul iibin, ahaada addoomaha Alle oo walaalo ah, muslinka waa muslinka kale walaalkii, ma dulmiyo ma hoojiyo, ma yaso, taqwada waa halkan, wuxuu tilmaamayay laabtiisa seddex jeer (qof waxaa ku filan xagga sharta inuu yaso walaalkiisa muslinka ah, muslinka muslinka kale xaaraan buu ka yahay dhiiggiisa iyo hantidiisa iyo sharaftiisa).

 

Saaxiibka xaasidka ah sida loola dhaqmo

Exit mobile version