Site icon Daruur درور

Riyada walaashay oo Mareykanka u safri rabta

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday gabar walaashay ah oo Garoob ah oo Mareykanka u safri rabta anigana aan aad ugu faraxsanahay waxay xirneed Dhar Asturan Xijaab Wayn oo jaale ah iyadoo aad u maleeneyso in Safarka uu kediso kusoo galay waxaa la leeyahay Mareykanka horey ayey u tagtay 3 bilood kaliya ayey Soo joogtay waala soo celiyey hadase waxbaa u hagaagayo way baxeysaa
Gabadhii walaashay ayaa ila hadleyso waxay leedahay fadumo gabar ladhaho oo ah caruurteeda eedadood ayaa wax ii hagaajineysa haduu ii hagaago waan baxayaa
Aniguna aad ayaan u faraxsanaa waxaan leeyahay walaashaa haday Mareykanka tagto adna jaanis baad heleysaa.

Riyada walaashay oo Mareykanka u safri rabta
Riyada walaashay oo Mareykanka u safri rabta

Jawaabta:

Riyada waa isbadal xagga nolosha waxaa laga yaabaa walaashaada in la guursado, inuu guursado nin magac iyo hanti leh, waxaa kaloo dhici karta isbadalka inuu yahay safar meel kaste ha ahaadee laakin inta badan waa meel ay mustaqbal ka samayn karto, riyada guud aahaan waa riyo fiican.

Exit mobile version