Riyada salaad iyo masjid iyo cirka oo roob xooggan kasoo da’ayo

Riyada salaad iyo masjid iyo cirka oo roob xooggan kasoo da’ayo

Riyada:

Walaal xalay ayaan riyooday riyaduna waxay ahayd sidan:
Wakhti galab gaaban ah ayaan magaalada ka baxay anigoo raba inaan aado magaalada meel kayara baxsan lkn aan ka fogayn markaan magaaladii kabaxay ayaan arkay nin asxaabtayda iigudhaw kamid ah oo isagna igasii horreeyay ninkii sxbky ahaa ayaan israacnay annagoo sii wada sheekaysanayna ayaan halmar cirka wada eegnay mise waaba cirkoo wada daruuro ah kadibna waxaan aragnay dhanka qiblada (waqooyi) oo roob xooggani kasoo socdo bacdeen waan soo cararnay annagoo tartamayna anigaana waxyar ka horreeyay sxbkay, magaalda ayaanan kusoo ordaynay maadaama roob soo da,ayay. Roobkii uu nasoo gaadhay waxaanan soo dhex ordaynay beero wada biyo ah. Dhismaha ugusoo sokeeya ee magaaladu wuxu ahaa masjid, masjidkaas markaan waxyar usoo jirno ayaan anigu ku dhawaaqay ” ilaahayoow xaaskayga wan jeclahay mana furi doono, ilaahayoow markhaati ka ahaw!” Sxbkyna intaasoo kale ayuu yidhi isaguna. Kadib masjidkii ayaan soogalnay Wakhti maqrib ah oo salaaddii lagu jiro meesha lagu waysaysto anigoo joogaa oo wayso raadsanaya ayaa salaaddii laga baxay kadib waan cadhooday anigoo leh ” waa maxay imaamkan degdegayaa” kadib masjidka ayaan soo galay kali ayaanan tukaday!
Wll riyadani haday fasir leedahay ii fasira.

Riyada salaad iyo masjid iyo cirka oo roob xooggan kasoo da'ayo
Riyada salaad iyo masjid iyo cirka oo roob xooggan kasoo da’ayo

Fasirka:

Riyada macne weyn ayay xambaarsan tahay waxaa lagugu boorrinayaa inaad ku dadaasho diinta iyo ku xirnaanta Alle sidoo kale inaad ilaaliso qoyskaaga, sidoo kale riyada waxay wadataa naxariista Alle iyo barwaaqo badan oo aad mustqabalka heli doontid waa khayr.

Waxan Ku riyooday anigoo cunaayo hilib aan kuli wada bisleen

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More