Site icon Daruur درور

Riyada dameer dugaag ah oo gabar daba socda

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wll waxàn ku riyooday anoo magalo aan mar hore iigu danbaysay si galaya oo waxan arkay dameer cunaya dameer yar markaa waxan dhahay wuu sunaysan yahay karaara ciyaal mesha joogay wana soo dhaafay xooga markaan socday ayaan aragnay dameer kiiyoo nasoo daba socda lkn waan cararay xaga iyo guriga naga uso caray waxana aragnay digo adhiga ay reermiyigu gubaan oo reerka ka sokaysa oo gubanaysa dhinac baana ka maray guri baana galay waxaana ila socday ciyaal guriga hooyday ba joogtay guri soomali buu ahaa waan isku albaabay dameerkii boolisban u wacnay wayna yimaadeen cirbad bay ku doogteen waxayna lahaayeen uu teetanaysan yahay markii latoogtay wuu raftay cunugbaana kasoo dhacay wuuna kacay wax yar kadib buu baqtiyi bayna lahaayeen booliska xoogaa markuu socday wuu dhacay anagoo arkayna wll ii fasira riyadaan haday kharayr iitahay.

Riyada dameer dugaag ah oo gabar daba socda
Riyada dameer dugaag ah oo gabar daba socda

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ku dhici doonto mashaakil badan dameerka qaabkan ah wuxuu tilmaamayaa qof shirqool kuu dhigaya si uu dhib kuu gaarsiiyo, riyada waxay tilmaamaysaa arrimo dhib kuu keenaya in laguu maleegayo, waxaa laga yaabaa inay jiraan dad xaasid kugu ah oo raba dhibkaaga, laakin riyada waxay wadataa arrin fiican oo ah in dhibka uu dhamaan doono oo dad ay kaa badbaadin doonaan.

Exit mobile version