Site icon Daruur درور

Qobka mooska faa’idooyinka uu lee yahay

Mooska waa lawada og yahay inuu yahay furuud aad u fiican.
laakin ma og tahay qobkiisa faa’idooyinka laga helo?
marka aan kuusoo duuduubno faa’idooyinka qobka mooska waa sidatan:

1- wuxuu u roon yahay cuncunka jirka iyo xanuunka ka dhalanaya meelaha cayayaanka kaa qaniino, inta la shiido ayaa la

mariyaa.
2- indhaha ayuu u roon yahay, maqaarka isha inta la mariyo isagoo la shiidey, wuxuu ka ilaaliyaa,

dhibcaha madow iyo mugdiga isha oo jirrooyinka qaar ay keenaan.
3- wejiga ayuu aad u qurxiyaa wuxuu ka dhigaa mid liisho ah, oo aan lahayn duuduub, siiba dumarka da’da.

Qobka mooska faa’idooyinka uu lee yahay
Qobka mooska faa’idooyinka uu lee yahay

 

weyn ayuu u roon yahay, inay seygooda isugu qurxiyaan.
4- sidoo kale waxaa lagu daaweyn karaa si dabiici ah finka wejiga kasoo yaaca, fin doobka.
5- sidoo kale qobka muuska waxaa lagu nadiifin karaa ilkaha, cad ayuu ka dhigaa, wuxuu ka qaadaa cagaarka ku dhegan.
6- maqaarka marka ay jug soo gaarto oo dhiig fariisto, qobka mooska ayaa lagu daaweyn karaa.
7- meesha jirka kaa xanuunayso haddii lagu duubo muddo wuxuu ka dhigayaa kabaabyo marka xanuunka ayuu ka

joojinayaa.
8- qobka mooska haddii aad qoorta ku dalliigto madax xanuunka ayuu joojiyaa.

intaan ayaa ugu muhimsan oo laga helo qobka mooska

 

Fin qooq maxaa keeno sideena loo daaweeyaa Acne on the face

Exit mobile version