Site icon Daruur درور

Qalbiga cad iyo qofka xaasidka ah

Qalbiga cad iyo qofka xaasidka ah

Qalbiga cad waa maxay sideena lagu heli karaa

Qalbiga cad waa midka u rajeynaya qof walba muslin ah khayr iyo wanaag.
inay dadka kale wax helaan risqigaaga wax uma dhimayso arrintaas.
inay dadka kale guul gaaraan noloshaada dhib uma keenayso.
inay dadka kale caafimaad helaan caafimaadkaaga dhib masoo gaarayo.
waligaaga noqo qof qalbi wanaagsan leh si ay quluubta oo dhan kuu jeclaato.

Qalbiga cad iyo qofka xaasidka ah
Qalbiga cad iyo qofka xaasidka ah

qofka xaasidka waligiisa wuxuu ku jirayaa ciqaab nafsi ah.

si fiican uma hurdi karo sidoo kale si fiican uma nasan karo.

qof kaste ayuu ilaalinayaa qofkii imtaxaan ku baaso waa dhibsanayaa.

qofkii guursado waa ka xanaaqayaa.

qofkii shaqo fiican helo waa ka ka caroonayaa.

qofkii dhar fiican soo xirto waa dhibsanayaa.

xaasidka waa qof cadaab adduun ku jiro saacad walbo nimcada Ilaahay hadduu arko waa gubanayaa.

qofka xaasidka marka uu awood helo qofka uu xasdayo ayuu u adeegsanayaa awoodda.

xaasidnimada waxaa soo bilaabay Ibliis marka uu xasday Nabi Aadan (CS).

Qaabiil wuxuu u dilay walaalkiisa Haabiil waa xaasidnimo.

wuxuu u diiddanaa inuu guursado gabadha isaga kusoo aadday inuu guursado Haabiil waxay ahayd gabar aad u qurux badan waxay ka qurux badneyd gabarta kusoo toostay Qaabiil, marka wuu dilay waa qisada Quraanka Kariimka ku sheegay Suuratu almaa’ida.

xaasidnimada dalalka ayay burburisa Soomaali waxa ku dheggan waa xaasidnimada.

Xaasidka waxaa looga badbaadi karaa oo ugu muhiimsan inaad suurada alfalaq akhrisato mar walba.

 

قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ‎﴿١﴾‏ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ‎﴿٢﴾‏ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ‎﴿٣﴾‏ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ‎﴿٤﴾‏ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ‎﴿٥﴾‏

Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray) * Wixii shar leh sharkiisa * Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado * Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha * Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.

 

Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

 

Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

Exit mobile version