Site icon Daruur درور

Qaabka dumarka looga qosliyo

Qaabka dumarka looga qosliyo

Su’aasha:

waxan rabaa sida ugu fican oo dumarka lola dhaqmo, dad badan aya xaas leh hadana waxd arkaysaa isfahan la’an inay jirto, xaaskooda maka qoslin karan raxad ma galiya hadaba waxan idin raba ereyo macaan oo naxariis leh oo lagu amano hawenka inaad ii shegtaan teda kale hawenka xiliga galmada ma jecel yihiin in lala hadlo ama waxay ka helan shib laga dhaho?

Qaabka dumarka looga qosliyo
Qaabka dumarka looga qosliyo

Jawaabta:

Ninka marka uu guursado waxaa u bilaabanayso shaqo culus shaqadaas rag badan ayaa ku fashilma, waxaana ugu badan nimanka ku fashilma soomaalida dad badan ayaa laga yaabaa oo naagahooda furay waliba waxaa u badan dadka yurub ka yimid, raga siyaasiyiinta soomaaliyeed  badankooda waa single father taasna waxaa sabab u ah isfahan la’aanta ay kula dhaqmeen xaasaskooda.

Marka naagta waxay u baahan tahay hadal wanaagsan iyo ixtiraam iyo tixgalin, hadal qurux badan oo wanaagsan, taas way iska cadday dadka oo dhan way jecel yihiin hadal fiican in lagu yiraahdo.

Marka ninkii rabo inuu xaaskiisa mar kaste ay jacayl u hayso ha amaaano mar kaste, amaanta dumarka meel weyn ayay ka joogtaa, hadal naxariis badan oo macaan, ereyo qurxoon oo soo jiidasho leh,  inaad amaanto cuntada ay kariso inaad amaanto iyada iyo dharkeeda iyo labiskeeda xataa haddii aysan fiicnayn waxay isku dayaysaa inay sii qurxiso  qofka marka la amaano wuu farxaa niyaddiisa way u dhismaysaa.

Xiliga sariirta sidaas oo kale xaaska waxay u baahan tahay amaan iyo hadal naxariis leh oo qurxoon siiba marka laga hadlayo jirka iyo quruxda.

Marka naagaha amaanta maskaxda ayay ka badalaysaa wayna jecel yihiin.

Sidoo kale ninka waxaa laga rabaa inuu xaaskiisa u sheekeeyo oo waqti badan la qaato oo uu qosol ka keeno, ninka ka qosliya naagtiisa waa ninka qalbiga dumarka hanan kara, sheekada macaan xaaska way u baahan tahay.

Rag badan ayaad arkaysaa siiba nimanka soomaalida marka gurigooda ay soo galaan lama hadlaan dumarka, kaliya hadalo kulkul iyo daandaansi ayay kula hadlaan, marka naago kale ay arkaan deriska ama gabdho kale ay is yaqaanaan waxay kula hadlayaan hadal macaan badan, waxay oranayaan tusaae ahaan: abaayo ii waran see tahay, haweeneydiisana uma quuro hadalkaas waxaa laga yaabaa inuu ku dhaho naayaa caawa maxaad karisay cuntadaada waa qash lama cuni karo hadal xun iyo cay iyo dullayn, marka iska jir inaad noqoto nin akhlaaq xun.

Sheekooyin badan akhriso oo aad ka baran karto habka haweenka looga qosolsiiyo.

Nin baa xaaskiisa ku yiri ereyo naxariis badan wuxuu yiri:

زوجتي سبب سعادتي، زوجتي سبب توفيقي، زوجتي سبب اطمئناني، زوجتي سبب دفئي، زوجتي سبب أماني، زوجتي سبب ضحكتي، زوجتي سبب اعتزازي، زوجتي سبب فخري، زوجتي أساس حياتي، زوجتي أساس مستقبلي، زوجتي أساس عمري، زوجتي أحبك.

Xaaskayga ayaa sabab u ah farxaddayda, xaaskayga ayaa sabab u ah towfiiqdayda, xaaskayga ayaa sabab u ah deganaantayda, xaaskayga ayaa sabab u ah diirimaadkayga, xaaskayga ayaa sabab u ah ammaankayga, xaaskayga ayaa sabab u ah. Qosolkayga, xaaskayga ayaa sabab u ah faankayga, xaaskayga ayaa sabab u ah hankayga, xaaskayga waa aasaaska noloshayda, xaaskayga waa aasaaska mustaqbalkayga, xaaskaygu waa aasaaska noloshayda, xaasku waan ku jeclahay

 

Hadalka Ay Dumarku Aadka U Jecel Yihiin Oo Naxariis Badan Wata

Erayo Naxariis Badan Dumarka Ma Saameeyaan

Erayada Naxariis Badan Iyo Jacaylka Xaaska

 

When a man marries, he begins to work hard and many men fail in this job, and most of the men who fail in Somalia may be many people who divorced their wives are mostly from Europe, most of the men who are Somali politicians are single fathers and this is due to the lack of understanding they have treated their wives.

When a woman needs good words and respect and consideration, beautiful and kind words, that’s clear to everyone they like a good word to be said.

When a man wants to praise his wife every time she has love for him, let him always praise him, praise of women is in a great place, kind and sweet words, beautiful and attractive words, to praise the food she cooks to praise her and her clothes and dress even if it is not good she tries to keep embellishing the person when he is praised he is happy and his intentions are built up.

During bedtime likewise the wife needs praise and kind and beautiful words when it comes to body and beauty.

When women’s credit changes their minds and they like it.

The man is also required to talk to his wife and spend more time with her and bring laughter, the man who makes fun of his wife is the man who can control the heart of women, the sweet story the wife needs.

 

Exit mobile version