Site icon Daruur درور

Ninka xaaskiisa mar kaste caay iyo aflagaaddo ku haya

Su’aasha:

ninka marka uu rabo inuu ku aflagaadeyo oo adiga aad tahay qof maskin ah aan dhib badnayn isagana dabcigisa yahay caay iyo aflagado oo dumar kale uu amaanayo adigana ku caayay maxaa la dhihi karaa ninkaas daacad miyaa msi waa nin aan jacayl kuu qabin, ninka u jecel maka suurtobaysaa arintas.

Ninka xaaskiisa mar kaste caay iyo aflagaaddo ku haya
Ninka xaaskiisa mar kaste caay iyo aflagaaddo ku haya

Jawaabta:

Ninka waxaa laga rabaa xaaskiisa inuu tixgaliyo inuusan hadal xun ku dhihin, raga dumarka kale ku ag maana xaaskooda waa rag qalad weyn ka galaya xaasaskooda, naagta marka la amaano waa la kasaban karaa qalbigeeda laakin marka aad caayso waa xumayn aad xumaynayso gurigaaga inuu burburo ayaa laga yaabaa.

Waxaan kula talin lahaa inaad u caqli celiso rag badan ayaa sidaas u dhaqma oo dumar kale amaano oo naagtooda liido, waxaad kula hadlaysaa hadal caqli ku salaysan oo miisaan leh way dhici kartaa inuu ku fahmo, isku daya gurigaana inaad ilaalsataan.

Exit mobile version