Site icon Daruur درور

Ninka shakiga badan maxaa lagu daweeyaa

Su’aasha:

Asc walaalo ninka shakiga badan maxaa lagu daweeyaa shukran.

Ninka shakiga badan maxaa lagu daweeyaa
Ninka shakiga badan maxaa lagu daweeyaa

Jawaabta:

Shakiga waa cudur nafsi ah qofka shakiga badan waa qof cadaab nafsi ku jira, wax walba uu arko wuu ka shakinayaa, marka waxaa fiican in la fiiriyo shakiga qofka qaabka uu yahay iyo waxa uu ka shakinayo.

Mushkilada waxay tahay qofka shakiga badan lagama dhaadhicin karo inuu jirran yahay marka ma oggolaanayo in laga daaweeyo nafsi ahaan.
Taas waxay u baahan tahay qof fahansan nafsiyadda qofka shakiga hayo in laga dhaahiciyo sida saxda ah oo loo baahan yahay inuu kula dhaqmo dadka, in lagu abuuro kalsooni iyo niyadsami inuu mar kaste u hayo dadka uu la nool yahay, sidoo kale shakiga inuusan qiime u lahayn qofka, inta badan way adag tahay qofka in laga tirtiro shakiga iyo waswaaska muddo dheer ayuu qaadanayaa.
Guud ahaan qofka waa in la fahansiiyaa dhabta iyo xaqiiqada, waxa uu ka shakinaya waa in daliil iyo caddeyn laga siiyaa.

Exit mobile version