Site icon Daruur درور

Maxaa keena ilkaha daata

Su’aasha:

Asc dr waxaan ahay qof da, yar oo ah 17 sano jir haba ahaate waxaan ladhibanahay ilkaha oo idaata yacnii jajaba Aniga qof yar baan ahay markaa maxaakena su aal labaad ayaan qabaa lakiin markii aad tan kasoo jawaabto ayaan soo dirayaa iyadana madamo marar badan aad tidhi labo su aal haysa soo raacinina markaa iyadana gadaal ayaan kasoo dirayaa Insha allh post gan title kiisa waxaad kadhigtaa maxaa keena ilkaha daata si marka ay dadku google karaadiyaan ay uhelaan thnkz dr.

Maxaa keena ilkaha daata
Maxaa keena ilkaha daata

Jawaabta:

Ilkaha daata sababo badan ayaa keeni kara markaan kuusoo duudubo waa kuwan:

 

1- cudurka yiridka oo cirridka ku dhaco.

2- nadaafad la’aanta oo keenta ilkaha inay jeermis yeeshaan.

3- macmacaanka sokorta badan qofka inuu aad u cuno.

4- bulunbuliga ilkaha ku dhaco. 

5- dhaxal oo kaaga imaan karo waalidka ama qaraabada kore.

Faahfaahin dheeraad waaxad ka heli kartaa webka Daruur, ka dhex raadi sababaha keena burburka ilkaha ama yiridka.

Exit mobile version