Site icon Daruur درور

Macnaha ducada galmada

Macnaha ducada galmada

Diinta Islaamka dhinac walba ayay tilmaantay oo ka mid ah nolosha muslinka.

Macnaha ducada galmada
Macnaha ducada galmada

qofka marka uu rabo  xaaskiisa inuu u galmoodo waxaa sunno ah inuu akhristo duco.

Bukhaari ayaa wariyay xadiis ka hadlaya arrinkaas:

عن ابن عباس – رضي الله عنهما – قال: قال النبي – صلى الله عليه وسلم -:لو أن أحدكم إذا أتى أهله قال اللهم جنبني الشيطان وجنب الشيطان ما رزقتني فإن كان بينهما ولد لم يضره الشيطان ولم يسلط عليه

Waxaa laga wariyay Ibnu Cabbaas Ilaahay raalli haka noqdee inuu yiri nabiga  (scw):

(Midkiina hadduu u tagayo xaaskiisa oo uu yiraahdo: Ilaahayow naga  fogee shayddaan kana fogee shayddaanka waxaad igu arsaaqdo haddii loo qaddaro ilmo ma dhibayo shayddaan mana lagu sallidayo),

dhibkan xadiis kusoo arooray wuxuu noqon karaa dhib diini iyo mid adduunba.

waxaan shaki ku jirin in laga helayo ajir weyn iyo faa’ido nafsi ah oo badan.

sidoo kale ducada galmada waa shakuri lagu shukrinayo Allaha kuu fududeeyay xaas xalaal kuu ah oona ku siiyay awood aad ugu galmoon karto xaaskaaga. qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo ducada galmada.

ducada galmada دعاء الجماع
ducada galmada دعاء الجماع

waa laga yaabaa qofka inuu Illaawo wax dhib ma laha hadduu illaawo laakin way habboon tahay inaad ku dadaasho. waxaa laga rabaa gabadha inay ninkeeda u sheegto hadduu illaawo.

Waxaa is weydiin mudan habeenka arooska raga qaar waxaa la sheegaa ma soo xusuustaan ducada galmada waayo arooska wuxuu wataa cabsi iyo walwal ninka iyo naagtaba marka ducada way dhici kartaa inuu halmaamo qofka habeenkaas waana loo cudurdaarayaa maadaama uu yahay qof aroos ah.

Gabadha aan dhiig ka imaanin habeenka aqalgalka maxaa u keeno

 

 

 

 

YouTube video player

Exit mobile version