Site icon Daruur درور

Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof?

Su’aasha:

Hooyadey Eedadeed Aabaheeda qabo balse ka dhintay weyso ma iga jabisaa mida kalana Gabadha aan adeerka u ahay lkn hooyadeed aan qabo gabadhaas gabdhehee dhasho weyso ma iga buriyaan.

Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof
Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof

Jawaabta:

Hooyadaada eedadeeda oo aabbaheeda qabo waa xaaska awoowahaaga waxay kuu tahay maxram ma guursan kartid waxay kaa joogtaa meesha ayeeyadaada ay kaa joogto.

Quraanka ayaana laga qaadanayaa Alle wuxuu yiri:

(وَلَا تَنكِحُوا مَا نَكَحَ آبَاؤُكُم مِّنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۚ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَمَقْتًا وَسَاءَ سَبِيلًا)

(Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun)

aabbayaasha waxaa soo galaya awoowayaasha

Gabadha hooyadeeda aad qabto oo aad u galmootay iyadana ma guursan kartid waxay la mid tahay sida gabadhaada oo kale.

wuxuu yiri Alle:

 

(وَرَبَائِبُكُمُ اللَّاتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَائِكُمُ اللَّاتِي دَخَلْتُم بِهِنَّ)

(Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen). 

wayso ma kaa jabiyaan dumarkaas.   rd

Exit mobile version