Site icon Daruur درور

Labeebshe hadii loo galmoodo ma xaaraan baa?

Su’aasha:

Waxaan idiin weydiinaa qof labeebshe ah oo labeebnimada ku dhashay hadaan u galmoodo si aan biyaha iskaga bixiyo ma dambi baa maxaana iga soo gaari kara.

Teda kale qolyahan gaalada ah waxaan arkaa ayagoo u ololeeya dadka qaniisiinta kuwaasoo ay ku leeyihiin inay xuquuq u leeyihiin sida naagta oo kale loona galmoon karo.

Mida kalana horta dadka nuucaas ah ee aan rag iyo dumar midna lagu sheegi karin ee bin aadamka nala ah, xukunkoodu shareecadeena Islaamka maxay ka dhahday.
Mahafsanidiin

Labeebshe hadii loo galmoodo ma xaaraan baa?
Labeebshe hadii loo galmoodo ma xaaraan baa?

Jawaabta:

Sinada marna ma banaan nin ama naag ama labaeeb qof kaste oo lala sameeyo waa xaaraan.

Marka labeebka waa midka leh qabalka ninka iyo qabka naagta labadaba midka uu toos u yahay lama oga waxaa jira labeeb oo aan la fahmi karin afka carabiga waxaa la dhahaa    الخنثى المشكل  xagga dhaxal iyo axkaam badan mushkilo ayuu u keenayaa, marka haddii la helo dhakhyar xaddidi karo noocan uu u badan yahay markaas waxaa lagasoo qaadi karaa nin ama naag meeshuu u badan yahay markaas wuxuu ka mid noqonayaa dadka caadiga ah.

Axkaamta shareecada islaamka ayaa markaas lagu socodsiinayaa marka la xaddido meesha uu u badan yahay.

Tusaale ahaan haddii lagasoo qaado inuu nin yahay dadka imaam ayuu u noqon karaa wixii nimanka diinta ay ku gaaryeeshay wuu samayn karaa sidoo kale haddii lagsoo qaado inuu naag yahay axkaamta naagta ayaa la siinayaa.

Laakin taas waxaa ka horraysa marka hore waa in la xaddido nooca uu yahay waxaana xaddidaya dhakhaatiir lagu klasoon yahay.

Korarsasho

Exit mobile version