Site icon Daruur درور

Hadalka ay dumarku aadka u jecel yihiin oo naxariis badan wata

Hadalka ay dumarku aadka u jecel yihiin oo naxariis badan wata

Su’aasha:

scw waxaan horay u maqlay naagaha inay aad uga helaan hadalka ama ereyada naxariista leh dadna waxay dhahaan dumarka jeebka ayay fiiriyaan ee hadal ma eegaan yaa saxsan labada fikrad oo ah naagta inay ka hesho oo lagu soo jiito ereyo jacayl ama lacag badan?  ereyada dumarka lagu amaano saameys intee ay leeyihiin?

Hadalka ay dumarku aadka u jecel yihiin oo naxariis badan wata
Hadalka ay dumarku aadka u jecel yihiin oo naxariis badan wata

Jawaabta:

Guud ahaan labada hadal mid kaste waa sax laakin waa inaan eegnaa dadka dabeecadahooda siiba haweenka.

Ereyada quruxda badan oo naxariista ay ku jirto qof kaste ayay soo jiidaan kaliya dumarka ma aha, qofkii aad ixtiraamto wuu ku ixtiraamaa qofkii aad liiddana wuu ku liidaa.

Mararka qaarkooda waxaad arkaysaa qof eego lacag iyo hanti oo marka lacag aad haysato ku qiimaynaya way jiraan haween sidaas ah laakin iyadoo sidaas ay tahay hadana hadalka macaan naagta wuu badalaa xataa haday lacag jeceshay.

Waxaa xaqiiqo ah gabdhaha inay aad u jecel yihiin amaanta, naagta ninka amaanaya aad ayay usoo dhoweysaa, dhibka jira wuxuu yahay raga badankooda dumarka waxay amaanaan marka ay shukaansanayaan marka ay soo guursadaan hadalka macaanka way ka joojiyaan, taas waxay ka mid tahay qaladaadka ay raga galaan.

Xaaska hadal macaan ayay kaa rabtaa, hadday cunto kuusoo kariso waxaa fiican inaad amaanto cuntada ay kuu keentay hadday dhar soo xirato inaad amaanto dharka ay wadato hadday wax udgoon soo marsato cadar ama barafuun inaad amaanto udugeeda.

Hadalka macaan naagta raalli ayuu ka dhigaa, laakin haddii aad cay iyo yasid iyo aflagaado aad ku bolowdo iyadana waxay bilaabaysaa inay ku nacdo, hadhow waxay raadsanaysaa nin kale oo hadal macaan ay ka doonayso, waad og tahay aduunka xiriirka wuxuu noqday mid aad u sahlan intay gasho Facebook iwm. ayay rag kale la sheekaysanaysaa markaas ayuu amaanayaa amaantaas ayay ku raaxaysanaysaa adigana intaad baxdo ayaad naag kale amaanaysaa bal eeg dhaqanka foosha xun oo dadka soomaaliyeed qaarkooda ay ku dhaqmaan.

Ereyada naxariista badan guryaha ayaa lagu dhisaa lacagta waxay soo galaysaa kaalinta labaad maxaayeelay jacaylka marka uu dhab yahay lamaanaha lacag iskuma qabsadaan waxay og yihiin in lacagta ay yahay arsaaq Alle bixiyo qadarka ayay ku kalsoonaanayaan.

Waxaa la dhahaa :

 (  كلام الرجل المفعم بمدح المرأة يجعل المرأة مقدرة لظروف الرجل وأقل ملاحظة لأخطائه).

  (Ninka hadalkiisa wata amaanta haweeneyda wuxuu ka dhigaa naagta mid tixgalinaysa duruufaha ninka iyo mid aad aan u eegin qaladaadkiisa)

Xataa waxaa loo baahan yahay xiliga raaxada sariirta in xaaska la amaano si ay u raaxaysato, waxaa la sheegay hadalka macaanka inuu raaxo xoog leh siigo gabadha xiliga jimaaca, erayada aad dooranayso waxaa la rabaa inay ahaadaan ereyo saameys xoog badan oo naagta aysan illaawin, ereyada fiifiican naagta ma illowdo.

 

Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya

صحيح أن الفتيات يحبن المجاملات ،
والمشكلة هي أن معظم الرجال يمدحون النساء عندما يتواعدون وعندما يتزوجون يتوقفون عن الحديث بلطف والمدح،
وهذا أحد الأخطاء التي يرتكبها الرجال.
زوجتك تريد منك كلامًا حلوًا ، فإذا كانت تطبخ لك ، فعليك أن تمدح ما أتت به من طعام ،
وإذا كانت تلبس ثيابًا ، فعليك أن تمدح الثياب التي ترتديها ، وإذا كانت تعطر ، فعليك أن تمدح عطرها.
الكلمات الحلوة تجعل المرأة سعيدة ،
ولكن إذا قمت بإهانتها وإهانتها ستبدأ في كرهك ، وبعد ذلك ستبحث عن رجل آخر لتتحدث بلطف ،
فأنت تعلم أن عالم العلاقات أصبح سهلاً للغاية.الدخول إلى Facebook وما إلى ذلك.
هي تتحدث مع رجال آخرين وهو يمدحها وتستمتع بهذا الإطراء وبينما تغادر أنت تكمل امرأة أخرى ،
انظر إلى السلوك القبيح الذي يمارسه بعض الصوماليين.

Exit mobile version