Site icon Daruur درور

Fin doobka ma siigadaa daawo u ah

Su’aasha:

Waxaan idiin weydiinaa fimanka wajiga ka soo baxa ee loo yaqaan fin qooqa dawadiisa inay siigada tahay ayaan maqlay aniga laftirkeyga markaan tijaabiyay waan arkay marka arintaas maxaa ka jir wll

Fin doobka ma siigadaa daawo u ah
Fin doobka ma siigadaa daawo u ah

Jawaabta:

Sheekada oranaysa fin doobka wuxuu ka dhashaa kacsiga sax ma ah. waxaa jira rag iyo dumar aan kacsi lahayn oo leh findoob.
Waxaa jira sababo badan keenaya findoobka.
waxaa ka mid ah isbadallada hormoonada jirka gaar ahaan gabdhaha marka dhiigga xaydka kusoo socdo.
Sidoo kale walwalka iyo cabsida iyo fikirka cabsida leh
sidoo kale wasakhda jirka soo gaarta iyo dhidika ka dhasha qorraxda
sidoo kale waxyaalaha qaar oo wejiga la marsado oo keeni kara arrintaas
iyo mar kaste in la taataabto wejiga iyagoo qacmaha lagu soo xoqay fiman kale jirka ku yaalla.
sidoo kale qofka inuu iska badiyo cunto sokor badan leh sidoo kale caloosha marka ay fariisato qofka aan musqusha galin.
Marka siigada daawo uma ah wax shaqo kuma laha taas waxay siiyaadinaysaa dhib.

Daawada dabcan waxay noqon kartaa marka sababka la ogaado taasna waa in loo tago dhakhtar ku takhasusay cudurada maqaarka.

Raadraac

Exit mobile version