Site icon Daruur درور

Dambiga lagu noqnoqdo towbad ma leeyahay

Su’aasha:

Asc wllo waxan raba in aad talo isiiso waxan gala dambi waana ka towbaad keena haddana waan ku laabta isla dambigiina anoo a shalaynaya haddana waan ka towbad keena marka sidee iskaga dhaafa dambigaas ani go’aan sax ma qaata balse shaydan igu celiya waana ka shalaya markan sameeyo dambigaas sidee ugu towbad keena si aan markale ugu noqon.

Dambiga lagu noqnoqdo towbad ma leeyahay
Dambiga lagu noqnoqdo towbad ma leeyahay

Jawaabta:

Qofka muslinka kama istaago mar kaste inuu Alle u towbadkeeno, maxaayeelay diinta islaamka ayaa sidaas fartay qofka marna inuusan ka caajisin towbadda.

Damabiga qofka waa ka dhici karaa way dhici kartaa dhowr jeer inuu ku laabto asoo ka towbadkeenay, laakin ma aha inuu shaydaan isu dhiibo oo is yiraahdo ku sii soco dambiga maadaama aad gashay.

Waxaa laga rabaa inuu mar kaste towbad la yimaado si kaste uu dambi u sameeyay.

Alle wuxuu yiri asoo ka hadlaya kuwa isaga ka baqaya:

 

(وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللَّـهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ وَمَن يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا اللَّـهُ وَلَمْ يُصِرُّوا عَلَىٰ مَا فَعَلُوا وَهُمْ يَعْلَمُونَ)

(Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xusa Eebe, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa’imin (Xumaantay) faleen iyagoona og). rd

wuxuu yiri nabiga (SCW):

(واللَّهِ إنِّي لَأَسْتَغْفِرُ اللَّهَ وأَتُوبُ إلَيْهِ في اليَومِ أكْثَرَ مِن سَبْعِينَ مَرَّةً).

(Allaan ku dhaartee dambidhaaf ayaan Alle weyddiistaa waana u towbadkeenaa maalitii in ka badan toddobaatan jeer). Bukhaari ayaa wariyay

 

Marka towbada lafteeda ayaaba cibaado ah, marka shaydaan yuuna kaa guulaysanin.

Marka aad towbadda ku dhegto Alle naxariis ayuu kuu keenayaa dambigana waa kaa fogeynayaa.

Teeda kale dambiga meelaha uu ku dhow yahay ka fogow sidoo kale dadka kugu ridi karana hala saaxiibin.

Exit mobile version