Site icon Daruur درور

Daawashada filimada gaalada dambi miyaa

Daawashada filimada gaalada dambi miyaa

Su’aasha:

Asc bahda daruur een waxaan qabaa su’aal ah haddii adigoo muslim ah ma ku dhaqmi kartaa gaal xikmaddiisa iyo hadaladiisa teeda kle filimada gaalada ay soo jisho sida Hindiga iyo wixii lamid ahba ma daawan karaa qofka muslimka ahi

Daawashada filimada gaalada dambi miyaa
Daawashada filimada gaalada dambi miyaa

Jawaabta:

Hadalkii fiican oon diinta khilaafsanayn waa la qaadan karaa xataa hadduu yahay qofka uu kasoo fulay gaal, sidoo kale wixii fiican waa inaad qaadataa adoon eegin qofka sheegay.

Filimada noocyo badan ayay leeyihiin qaar waxaa jira taariikh ka sheekeeya ama farsamo gaar ah ama aqoon kuwaas la mid ma aha filimada lagu kicinayo dareenka jacaylka iyo dareenka ninka iyo naagta, kuwaas shaki kama taagna qofka inuu dambi ka qaadayo, guud ahaan filinka ayay ku xiran tahay wixii ku sugan hadday yihiin wax diinta khilaafsan oo shar iyo xumaan ah qofka dambi ayuu ka qaadaa, hadday yihiin wax fiican oo aan diinta khilaafsanayn wax dhib ma laha, xataa hadduu yahay filin dad muslin ay sameeyeen laakin uu xumaan wato waa la mid filimada ay gaalada sameeyeen.

Filimada hindiga waa filimo lagu kicinayo dareenka jacaylka mana aha filimada qofka uu wax fiican ka baran karo, waliba waxay wataan naago qaaqaawan oo niikanaya ama falal qaab daran samaynaya, qofka daawada kuwaas wuxuu ka qaadaa dambi, waxaa waajib ah inuu qofka iska ilaaliyo, hadduu daawadana uu Alle dambidhaaf weyddiisto.

Qofkii sexy daawado ee ku siigeysta ma zinada ayay la mid tahay

Saaka Ayan film xun daawaday markaan hurday biyahaa iga baxay

413- تأملت قوله تعالى: {فمن اتبع هداي فلا يضل ولا يشقى} [طه:123] : قال المفسرون: {هداي} : رسول الله -صلى الله عليه وسلم- وكتابي. فوجدته على الحقيقة: أن كل من اتبع القرآن والسنة، وعمل بما فيهما، فقد سلم من الضلال بلا شك، وارتفع في حقه شقاء الآخرة بلا شك، إذا مات على ذلك.
414- وكذلك شقاء الدنيا، فلا يشقى أصلا، ويبين هذا قوله تعالى: {ومن يتق الله يجعل له مخرجا} [الطلاق: 2] . فإن رأيته في شدة، فله من اليقين بالجزاء ما يصير الصاب1 عنده عسلا، وإلا، غلب طيب العيش في كل حال.
415- والغالب أنه لا تنزل به شدة إلا إذا انحرف عن جادة التقوى، فأما الملازم لطريق التقوى، فلا آفة تطرقه، ولا بلية تنزل به، هذا هو الأغلب عليه، فإن قدرنا عدم الذنب، فذاك لإدخال ذهب صبره كير البلاء، حتى يخرج تبرا أحمر، فهو يرى عذوبة العذاب؛ لأنه يشاهد المبتلى في البلاء “لا” الألم1. قال الشبلي: أحبك الناس لنعمائك، وأنا أحبك لبلائك

Exit mobile version