Site icon Daruur درور

Calaamadaha sixirka ninka iyo xaaskiisa lagu kala geeyo

Calaamadaha sixirka ninka iyo xaaskiisa lagu kala geeyo

Astaamaha sixirka nin iyo xaaskiisa lagu kala geeyo, sixirka xaaska lagu nacsiiyo ninkeeda ama ninka lagu nacsiyo xaaskiisa waa sixir caan ah oo aad loo adeegsado sixirkaas waxaa lagu garan karaa qofka inuu hayo astaamo badan marka hore astaamaha naagta ay isku arkayso marka ninkeeda laga sixro:

Calaamadaha sixirka ninka iyo xaaskiisa lagu kala geeyo
Calaamadaha sixirka ninka iyo xaaskiisa lagu kala geeyo

 

  1. Jirro aan bixin oo joogto ah oo kala duduwan.
  2. Ninka iay u xiisto markuu ka fog yahay marka guriga uusoo galana inay dhibsato.
  3. Guriga inay nacdo iyo fikir inuu u keeno.
  4. Ninka inay ka uriso shiir ay nacayso.
  5. Ninka inay u aragto mid foolxun siiba xiliga raaxada sariirta.
  6. Diigbax inuu ku dhaco marka ay galmo ninkeeda la samayso.
  7. Xanuun inay dareento xiliga galmada.
  8. Qoyaan qurmuun inuu naagta farjigeeda kasoo baxo siiba marka ninka uu u galmoonaya.
  9. Hurdo inay qabato xiliga ninkeeda u baahan yahay raaxada sariirta.
  10. Inay ku riyooto ninkeeda oo garaacaya ama inay ku aragto qaab foolxumo ah.
  11. Inay nafis dareento marka uu guriga ka baxo.
  12. Inay furiin si daran ay u rabto.
  13. Xanuun inay ka dareento caloosha ama jirka ama cagaha.
  14. Inaysan ugu dulqaadanin ninka dalabkiisa oona ay nacdo codkiisa inay maqasho.

 

Kuwaas waa calaamadaha sixirka ay naagta isku aragto marka ninkeeda laga sixro.
Kawa ninka uu isku arko waa kuwan:

 

  1. Inuu guriga noco oo uu ka helo banaanka.
  2. Xanaaq daran siiba marka uu guriga joogo.
  3. Naagtiisa inuu u arko qaab foolxumo ah.
  4. Inuu ka uriyo ur qurmuun siiba afka.
  5. Inuusan ka helin inuu u galmoodo.
  6. Inuu awoodi waayo galmada.
  7. Wahsi iyo tabardaro aan dhamaanin.
  8. Furiinka inuu ka fikiro.
  9. Markuu guriga ka baxo nafis inuu dareemo.
  10. Calool xanuun ama caga xanuun.
  11. Inuu ku riyoodo xaaskiisa oo samaynaysa waxyaalo xunxun.
  12. Shaki joogto ah inuu xaaskiisa ka qabo.

 

Haddii aad laasimto quraanka waad ka badbaadaysaa:

Waliba suuradahan:

 

• سورة الإخلاص: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ هُوَ اللّهُ أَحَدٌ * اللّهُ الصّمَدُ * لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ * وَلَمْ يَكُنْ لّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ».
• سورة الفلق: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ أَعُوذُ بِرَبّ الْفَلَقِ * مِن شَرّ مَا خَلَقَ * وَمِن شَرّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ * وَمِن شَرّ النّفّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ * وَمِن شَرّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ».
• سورة الناس: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ أَعُوذُ بِرَبّ النّاسِ * مَلِكِ النّاسِ * إِلَهِ النّاسِ * مِن شَرّ الْوَسْوَاسِ الْخَنّاسِ * الّذِى يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النّاسِ* مِنَ الْجِنّةِ وَالنّاسِ».
• سورة الفاتحة: « بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم. الْحَمْدُ للّهِ رَبّ الْعَالَمِينَ * الرّحْمنِ الرّحِيمِ * مَلِكِ يَوْمِ الدّينِ * إِيّاكَ نَعْبُدُ وإِيّاكَ نَسْتَعِينُ * اهْدِنَا الصّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ * صِرَاطَ الّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِم وَلاَ الضّآلّينَ ».

aayadaha sixirka lagu buriyo
aayadaha sixirka lagu buriyo

 

Astaamaha lagu garanayo sixirka

Sixirka iyo isha iyo jinka farqiga u dhexeeya

 

Exit mobile version