Site icon Daruur درور

Cabsida la hadalka dadka sidee loo daaweeyaa

Su’aasha:

asc sheekh horta alxamdulilah nolosheda ilaahey nimco waa isiiyey lkn hal mid ayan isku arkey xirxirnan inan noqdo qof firfircoon aad ayan ujclahey alxamdulilah xaga shaqadeda oo wax qabad wan kufirfirconahey lkn xagii hadalka aya culees iga heesto tusaale shaqada an ka shaqeyo bishi hal mar ayan shir la isugu imaadaa marka xiligasi markaan hadal isdhaho wadnaha ayaa zaaid igaraacma yacni cabsi zaaid ayn darema fikirada maskaxdeda an kuhaayo waa mid fican balse cabsidi aya wax waliba i iloosiya dad qaar waxay idhahan is furfur anigana ma awoodi inan isfurfuro reer dadki ay ifahmaan ninaan xaqisa dhacsan karin marka siden ugu gudbaa.

Cabsida la hadalka dadka sidee loo daaweeyaa
Cabsida la hadalka dadka sidee loo daaweeyaa

Jawaabta:

Waa wax fudud kaliya waxay u baahan tahay dhowr jeer inaad dadka hor istaagto waad la qabsan doontaa.

Teeda kale maskaxdaada ka saar inaad u malayso inaad wax qaldayso, waxaa ogaataa qofkii wax qaldo wax ceeb ah ma aha wuu isa saxayaa, qof aan qaldamin dunida kuma noola, aadanaha oo dhan way qaldamaan.

Waxaa kaloo aad samaysaa arrin cabsida kaa reebi karto oo iyada aad ku mashquulayso, isla markaasna aadan illaawaynin wixii aad rabtay inaad ka hadasho.

Waxaad samaynaysaa warqad ayaad ku soo diyaarsanaysaa titlelada ama canaawiinta aad ka hadli rabto, warqadda kaalin weyn ayay ka qaadanaysaa in cabsidaada ay yaraato.

Marka horay u soco baan ku leeyahay ma qaldame waa Alle kaliya (SW)

Exit mobile version