Site icon Daruur درور

Beerka raga awoodda uu siiyo iyo sida loo cuno

Su’aasha:

scw waxan raba inan ogaado beerka waxa uu raga u taro xaga awooda galmada waxan maqlay geedka ninya bu adkeeyaa kacsigana wuu xojiya maxaa ka jiro subax kaste inaan cuno miyaa beerka mise dhib ayuu keenaya hadi layska badiyo waxan idinka rabaa inaad iso faahfaahisan beerka waxtarka uu caafimaadka u leeyahay.

Beerka raga awoodda uu siiyo iyo sida loo cuno
Beerka raga awoodda uu siiyo iyo sida loo cuno

Jawaabta

Beerka waa cunto aad u fiican oo lagu daaweyn jiray dhiigyarida, laakin miyuu raganimada wax u tarayaa?
Waxaa la og yahay beerka inuu wato burutiin aad u xoog badan, marka jirka wuxuu siiyaa awood xoog leh oo keenaysa inuu kacsi dareemo wuxuu kordhiyaa adeygga geedka ninka maxaayeelay dhiiga ayuu badiyaa sidoo kale manida ninka ayuu siyaadiyaa.
Guud ahaan beerka wax badan ayaa laga faa’idaa waxaa ka mid ah, caafimaadka indhaha wuxuu xoojiyaa difaaca jirka wuxuu yareeyaa walwalka iyo niyadjabka wuxuu koriyaa xubnaha jirka wuuuna xoojiyaa, lafaha ayuu dhisaa wuxuu wataa dufin aad ugu roon caafimaadka jirka.
Laakin ma aha taas in layska badiyo oo maalin kaste wax badan la cuno, wax kaste markay kaa bataan dhib ayay keenaan, waxaa fiican usbuuci inaad ku quraacato haddaad awooddo sedex jeer.

Exit mobile version