Site icon Daruur درور

Alaabta ninka aadka u yar maxaa xal u ah

Alaabta ninka aadka u yar maxaa xal u ah

Su’aasha:

Bahda darur wan idin salamay dhib aya ia haysta gsukayga aad bu u yar yahay xaskayga ma ku raxaysanayso kacsiga wa ok guska marku yar yahay daawo malo heli kara fadlan jawab yan idinka sugaya?

Alaabta ninka aadka u yar maxaa xal u ah
Alaabta ninka aadka u yar maxaa xal u ah

Jawaabta:

Dhererka alaabta ninka caadiga ah wuxuu u dhexeeya 8 ilaa 18 sinti, saan horay usoo sheegnay mala dheereyn karo geedka daawo ma jirto lagu dheereeyo ama lagu weyneeyo, dhererka caadiga ah qofka waa ku filan yahay, sidoo kale qofka da’diisa mar kastoo ay weynaato geedkiisa wax baa ku darsama sidiisa ma ahaanayo, galmada lafteeda geedka ninka way weynaysaa markuu muddo badan xaas qabo siiba balaca ayaa weynaada.

Dumarka qaar alaabta ninka aad bay u qiimeeyaan xadiis ayaa kusoo arooray qiso nin naagtiisa seddex ku furay oo nin kale guursaday waxay rabtay inay ninkii hore u laabato alaabtiisa darteed xaadiska waa kanaa:

(جاءتِ امرأةُ رفاعةَ القُرَظيِّ إلى رسولِ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ فقالت : إنِّي كنتُ عندَ رفاعةَ فبتَّ طَلاقي فتزَوَّجتُ عبدَ الرَّحمنِ بنَ الزّبيرِ وإنَّما معَه مثلُ هُدبةِ الثَّوبِ ، فتبسَّمَ رسولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فقال : أتريدينَ أن ترجِعي إلى رفاعةَ لا حتَّى تذوقي عُسَيلتَهُ ويذوقَ عُسَيلتَكِ) 

صحيح البخاري

(Haweeneyda Rifaaca Alquradi ayaa rasuulkii Alle (SCW)u timid waxay tiri: waxaa i qabay Rifaaca laakin seddex ayuu igu furay waxaan guursaday Cabdiraxmaan ibnu Zabiir wuxuu qabaa wax maradan oo kale (waxay ka waddaa geedkiisa waa jileec sida marada oo kale) nabiga (SWC) wuu dhoolacadeeyay wuxuu yiri: ma waxaad rabtaa inaad u laabato Rifaaca, maya ilaa aad ka dhadhamiso malabyarowgiisa isagan uu kaa dhadhamiyo malabyarowgaaga).  

 

Sida loo weyneeyo xubinta ninka iyo sababaha yareeya

Exit mobile version